Sanctuary waa rug caafimaad oo loogu talagalay qaxootiga Kitchener, ON, Canada.
Waxaanu ku dadaalnaa inaanu bixino daryeel caafimaad ee ku wajahan baahida bukaanka isla markaana ku saleesan xaqiiqada si loo siiyo daryeel caafimaad qaxootiga kuwooda ugu nugul iyo kuwa cusub ee yimaada gobalka Waterloo. Markay suurtagal tahay, waxaan isku daynaa inaan kugu siino daryeelkaan afkaaga hooyo iyadoo la adeegsanayo turjumayaal! Waxaa kale oo rugtu bixisaa adeegyo bulshadeed oo kale, oo ay ku jirto taakuleeynta qaxootiga cusub ee ku aadan dejintooda; taageerida ku aadan qoritaanka codsiyada; la-talin xaga caafimaad miyidhka iyo dhaawacyada; talada cuntada; iyo barnaamijyo gaar ah oo la sameeyo oo ku saabsan dhalmada, waalidnimada, iyo ixtiraamka kala duwanaanta.
Waxaan ballan qaadeeynaa oo naga go’an ineeynaan marnaba qaxootiga ka qaadan lacag.
Qaar ka mid ah ilaha aqoonta caafimaadka ayaad ka heli kartaan halkaan ee boggayaga internetka iyagoo ku qoran afkiina hooyo.
Khariidada gaadiidka dadweynaha ayaa halkan laga heli karaa.
Halkan waxaad ka heli kartaan khariidad muujinaysa meelaha aan u dirno bukaanada.
Ma jeclaan lahayd inaad ka mid noqoto bukaanada rugteena mise waxaad caawinooysaa qaxooti doonayo inuu ka mid noqdo bukaanada rugta? Fadlan nala soo xiriir.
Cinwaanka:
310 King Street East, Suite 203
Kitchener, ON
N2G 2L3
Teleefoon: 226 336 1321
Saacadaha shaqada:
Isniin – Khamiis: 9:00 am – 4:30 pm
Jimco: 9:00 am – 1:30 pm
Sabti iyo Axad: rugtu weey xiran tahay
Waxaa jira meelo badan oo baabuurta la dhigto agagaarka xarunta kuwaas oo bilaash ah ilaa 2 saacadood. Fursad kale ayaa ah in la dhigto baabuurta baarkinga dhulka hoostiisa ah ee ka hooseeya Farmer’s Market – waxaanu siin doonaa foojarro bukaan kasta oo naga codsada mid.
Wadada baska # 7 waxay istaageysaa dhismaha hortiisa. Waddada LRT ee la soo jeediyey ayaa sidoo kale istaageysa meel u dhow rugta.